Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa duhurnimadii maanta ka badbaaday qarax ismiidaamin ahaa, oo lagula eegtay Magaalada Muqdisho.
Gaari uu la socday Afhayeenka ayaa la sheegay in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu ku dhegay daaqadda gaariga, ka hor inta aanu is qarxin.
Gaariga ayaa xilligaa marayay agagaarka Isgoyska Dabka ee Waddada Maka Al Mukarama, waxaana la sheegay in ismiidaamiyuhu uu ka faa’iideystay cariiriga xilligaa ka jiray waddada, sidaasina ay ugu suurtagashay in daaqadda gaariga uu qabsado.
Goobjooge ayaa sheegay in ismiidaadiyuhu uu in doora ku dhegnaa daaqadda gaariga, ka hor intii aanu is qarxin, burbur xoog lehna uusan soo gaarin gaarigaasi.
Ciidamada Dowladda oo ka ag-dhawaa Isgoyska Dabka ayaa ku soo baxay jugta qaraxa, waxaana la arkayay iyagoo rasaas ridaya.
Maxamed Ibraahim Macalimuu oo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi ayaa la dhigay mid ka mida isbitaalada magaalada, halkaasoo xaaladiisa lagula tacaalayo.
War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaana u rajeynaynaa caafimaad degdeg ah.”
Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda.
Macalimuu ayaa dhowr jeer ka badbaaday qaraxyo iyo weeraro toosba lahaa, oo Shabaabku ku qaadeen hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com