Wasiir Beyle oo James Swan kala hadlay maalgelinta doorashada (SAWIRRO)

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen arrimo badan, oo la xiriira horumarka dhaqaalaha ee dalka, sida dayn-cafinta, shuruudaha miisaaniyadda dowladda iyo maalgelinta doorashada

“Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobey, James Swan ayaa ku faraxsan in uu todobaadkan dhamaadkiisa la kulmo Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo la xiriira horumarka dhaqaalaha dalka, sida dayn-cafinta, shuruudaha miisaaniyadda dowladda iyo maalgelinta doorashada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Wasiir Beyle ayaa dhankiisa sheegay inay ka wada hadleen is bedelada dhaqaale ee socda iyo maalgelinta doorashooyinka dalka.

“Waxaan ka wada hadalnay is bedelada dhaqaale ee socda iyo maalgelinta doorashada. Qaramada Midoobey waa saaxiibka muhiimka ah ee horumarinta qarankayna.” Ayuu Beyle ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com