Rooble oo isbitaalka ku booqday Maxamed Ibraahim Macalimuu

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka ku booqday dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda, oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaaladiisa caafimaad ka xaal wareystay Afhayeenka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macalimuu oo xaaladiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad degdeg ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Rooble uu warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta la tacaaleysa xaaladda caafimaadeed ee Macalimuu.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta daweyneysa Afhayeenka Xukuumadda.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho. Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaana isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaal ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com