Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya.
Tani waxay ka dambeysay, markii Madaxweynuhu uu casuumaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, Abiy Ahmed.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal u qornaa “Waxa aan safar shaqo oo rasmi ah ku gaadhay Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka aan saaxiibada nahay ee Itoobiya. Waxa aan Dowladda Itoobiya iyo shacabkeeda uga mahadcelinayaa sida qiimaha leh, ee ay noogu soo dhaweeyeen dalkooda.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay xoojiso xidhiidhka iyo saaxiibtinimada kala dhaxeysa dalalka jaarka ah iyo adduunkaba.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com