Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa, oo casir liqii galabta ka dhacay maqaaxi ku taala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxidan, oo ku taala ka soo horjeedka warshaddii hore ee Nacnaca.
Goobjooge ayaa sheegay in qarax aad u xoogan uu goobtaasi ka dhacay, xilli ay fadhiyeen, oo ay ku shaahayeen dad u badan rayid.
Ciidanka Dowladda oo ku baxay goobtaasi ayaa la arkayay, iyagoo rasaas ridaya, waxaana daqiiqado ka dib gaaray gaadiidka gurmadka degdegga, oo halkaasi ka daad-gureeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.
Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) ayaa sheegtay in afar qof ku dhinteen, halka toban kalena ay ku dhaawacantay weerarka ismiidaaminta.
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa qoraal ku sheegtay inay bartilmaameedsatay ciidamada uu Turkigu tababaro.
Waa weerarkii 4aad oo ismiidaamin ah oo bishan gudaheeda ka dhaca Caasimadda Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com