Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain, haweeneyda lagu magacaabo Vicky Ford.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka, midnimada iyo madaxbannaanida qaranimo ee labada dal, sida lagu sheegay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya.
Wada hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli caawa Baarlamaanka Ingiriisku uu ka doodayo doodda ku aaddan aqoonsiga Somaliland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com