Cumar Cabdirashiid oo sheegay in la boobayo Doorashada Golaha Shacabka

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay inuu welwel xoogan ka qabo, sida ay ku socdaan doorashooyinka dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in boobka lagu hayo kuraasta barlamaanka in ay keeni doonto inuu mugdi galo sharciyada dowladda dhalan doonta.

“Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada. Waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas.” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid wuxuuu sheegay hab dhaqanka doorashada lagu maamulayo inuu ka awood badan tahay habraaca doorashada, taasoo uu sheegay in ay keentay in si xoog ah lagula soo baxo xildhibaanadda

Ina Sharmaarke ayaa eedda ugu badan dusha uga tuuray Dowlad Goboleedyada, isagoo ku eedeeyay in ay gacantooda ku qoranayaan guddiyada soo xulaya ergooyinka, taasoo uu sheegay in ay xadgudub weyn ku tahay habraacyada doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com