Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada 3 kursi

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay doorashada kuraas hor leh, oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta Ergada doorashada saddex ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka iyo tababarka Ergada ay bilaabaneyso 23-ka bishaan oo ku beegan Axadda soo socota.

Guddiga ayaa jadwalkooda ku xusay in diiwaangelinta musharaxiinta 3-da kursi ee tirsigoodu kala yihiin HOP056, HOP002 iyo HOP231 ay bilaabaneyso 24-ka bishan, isla-markaana musharaxiinta tartamaya looga baahan yahay inay bixiyaan lacagta diiwaan-gelinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com