Rag hubeysan oo nin nabadoon ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa galabta Magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon Geesey Cismaan Cabdulle.

Nabadoonka oo si weyn looga garanayay Caasimadda Muqdisho ayay raggaasi ku toogteen Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in raggaasi ay nabadoonka dileen, wax yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday Salaaddii Casirka.

Maxamed Abuukar Cali oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in raggaasi ay waddada u galeen ninka odayga ah, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Dembiile-yaasha ayaa ka baxsaday goobtaasi, ka hor intii aanay gaarin Ciidamada Booliska, oo la soo sheegayo inaanay cidina u soo qaban dilkaasi.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka nabadoonka, sida ay baahisay Idaacadda Andalus oo afka ururkaasi ku hadasho.

Sida ay sheegtay Andalus waxa uu nabadoonku ka mid ahaa Ergadii sanadkii 2016 soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Mintidiinta ayaa in muddo ahba bartilmaameedsanayay Ergada soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaankii 10aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com