Somaliya iyo Emirate-ka oo ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa xalay khadka taleefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Emirate-ka, Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyay dhibaneyaashii ku waxyeeloobay weerarka maalintii Isniinta ka dhacay Magaalada Abu Dhabi.

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa gantaalo ku weeraray goobo muhiim ah, oo ku yaalo magaalo madaxda dalkaasi ee Abu Dhabi.

Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo is dhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.

Wasiir Cabdisaciid ayaa Wasiiru Dowlaha ugu hambalyeeyay ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, horraantii bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com