Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Safiirka Shiinaha kala hadlay dhowr qodob

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta  waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee u joogga dalka, Amb. FEI Shengchao.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray, sidii ay Dowladaha Somaliya iyo Shiinaha u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed, oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhaxeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada shacab ee saaxiibada ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Somaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay, sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Somaliya, ixtiraamka midnimada iyo madaxbannaanida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdisaciid ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com