Illaa 5 Xildhibaan ayaa maanta lagu doortay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ka dib doorasho ka dhacday hoolka Xerada 54aad.
Kursigii 1aad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), oo ah Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Qowdhan ayaa ku soo baxay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP196, ka dib markii uu 90 cod kaga guuleystay musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Abshir Cabdi Xuseen, oo helay 6 cod oo keliya.
Kurisga 2aad oo tirsigiisu ahaa #HOP249 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Xasan Rooble, oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Rooble ayaa tartanka kaga adkaaday musharaxii la tartamayay, oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Ciise.
Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa difaacday kursiga #HOP200, oo horey uu ugu fadhiyay afartii sano ee ugu dambeysay.
Kursiga #HOP235 ayaa waxaa mar kale ku soo baxay Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga & Khayraadka Badda Somaliya. Bidhaan ayaa 99 cod kaga guuleystay musharaxii la tartamayay waa Cabdixakiin Jaamac Xasan oo 2 cod oo keliya helay.
Kursiga ugu dambeeya oo tirsigiisu yahay #HOP166 ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Xaashi (Axmed Taajir), isaga oo tartanka kaga adkaaday Axmed Cabdisalaan Ibraahim. Axmed Taajir ayaa helay codad gaaraya 98 cod, halka Axmed Cabdisalaan uu isna helay 2 cod oo keliya.
Garoowe oo ay maanta ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in lagu doorto 21 kursi, halka Magaalada Boosaaso lagu dooran doono 16 kursi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com