Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo caawa lagu dilay Muqdisho

Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa caawa lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, xilli uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday Salaadda Cishaha, kuna sii jeeday hoygiisa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dembiile-yaasha ay ka baxsadeen goobtaasi, oo markii dambe ay gaareen ciidamada ammaanka, kuwaa oo cidina u soo qaban fal dembiyeedkaasi.

Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deganaa Caasimadda Muqdisho, iyadoona uu dhawaan kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP085, kaasoo uu deegaan doorashadiisu yahay Hirshabelle.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan ugu dambeeyay ee caawa ka dhacay magaalada, waxaase uu imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay kordheen dilalka ay kooxaha bastooladaha ku hubeysan ka gaysanayaan caasimadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com