Kenya oo ka hadashay aqoonsiga ay Somaliland ruclo orodka ugu jirto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa sheegtay inaanay Kenya aqoonsanayn gooni isu taagga Somaliland, taasi bedelkeedana ay Somaliya u aqoonsatay dal federaal oo deriskeeda ah.

Wasiiradda oo Warbaahinta ay su’aalo ka weydiiyeen dooddii Baarlamaanka Ingiriiska uu Talaadadii ka yeeshay ictiraafka Somaliland ayaa sheegtay inaanay doonayn inay ku lug yeeshaan waxa ay sameynayaan bay tiri siyaasiyiinta wadamo kale.

“Marka aan ka hadlo Somaliland iyo hadalka ka soo yeeray Baarlamaanka UK, ma doonayno inaanu ku lug yeelano waxa ay sameynayaan siyaasiyiinta wadamo kale.” Ayay tiri Wasiiradda.

Waxa kaloo ay tiri “Haatan waxaan aqoonsananay nidaamka federaalka ee Somaliya, Somaliland-na nooma aysan soo gudbin codsi ah in aanu u aqoonsano mid ka duwan Somaliya, marka waxaan ula tacaamuli doonnaa Somaliya, sida dal aan deris nahay oo saaxiibo nahay.”

Waxaa ay sheegtay in Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan ay ula dhaqmi doonaan qaab xoojinaya bay tiri midnimada Somaliya iyo saaxiibtinimada dalkaasi kala dhaxeysa Kenya.

“Maamulada federaalka ee Somaliya waxaan ula dhaqmi doonnaa qaab xoojinaya midnimada Somaliya iyo saaxiibtinimada dalkaasi kala dhaxeysa Kenya.” Ayay tiri Raychelle Omamo.

Somaliland ayaa soddonkii sano ee ugu dambeysay dadaal ugu jirtay, sidii ay u noqon laheyd dal ka madaxbannaan Somaliya inteeda kale, inkastoo aanu dal qura weli aqoonsanin.

Somaliland ayaa deegaanadeeda ka hirgelisay nidaam dowladeed oo dimoqraadi ah, sida doorashooyinka qof & cod iyo sugidda amniga deegaanadeeda. Somaliland ayaana lagu tilmaamaa goobta ugu xasilloon ee Geeska Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com