Laba Xildhibaan oo lagu doortay Magaalada Garoowe

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ka bilaabatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Illaa shan kursi ayay tahay in maanta lagu doorto Magaalada Garoowe, iyadoo kursigii ugu horeeyayna uu ku soo baxay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Wasiir Kuxigeenka oo noqonayo Xildhibaankii ugu horeeyay ee lagu doorto Magaalada Garoowe ayaa ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP196, isagoona helay 90 cod, halka musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Abshir Cabdi Xuseen uu helay 6 cod.

Sidoo kale Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP249, ka dib markii uu tartanka kaga adkaaday Cabdirisaaq Maxamed Ciise.

Ergada kale ayaa ku howlan doorashada saddexda kursi ee harsan, oo ay ku tartamayaan tiro musharaxiin ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com