Madaxweynaha Hirshabelle oo ka tacsiyadeeyay Sarkaal u geeriyooday dhaawac

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Hirshabelle.

Marxuumka oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu firfircoon Booliiska Hirshabelle ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino, oo maalmo ka hor lagula eegtay duleedka Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha oo ku hadlayay afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com