Mucaarad & Muxaafad, maxay isla leeyihiin, maxayse kala leeyihiin

Waxaad mooddaa in dad badan isaga qasan tahay Mucaaradnimo iyo Muxaafadnimo, markaad eegto Social Media oo saameyn badan xitaa ku yeeshay saxafiyiintii loo baahnaa inay bulshada fahamsiiyaan Mucaarad iyo Maxaafad farqiga u dhexeeya,

Waxaa loo fahamay si qaldan ha ahaadaan kuwa mucaaradka ama ha ahaadaan kuwa muxaafadka marka loo eego waxay ku kala duwan yihiin dhanka siyaasada,bulshada iyo dhaqaalaha.

Haddaba qormadaan waxaan ku eegeynaa maxay isla leeyihiin labada dhinac maxayse kala leeyihiin.

Mucaarad iyo Muxaafad, qaybta ay shirkada ku yihiin:-

ü Ilaalinta Qaranka iyo Dowladnimada.
ü Wada shaqeynta dhanka kala danbeynta
ü Ciidanka Qaranka
ü Hay’adaha Dowlada nuuc kasta
ü Difaaca Xuduudaha dalka iyo la dagaalanka caddowga dibada.

Maxay ku kala duwan yihiin

1. Aragtida siyaasadeed ee hogaaminta Dalka
2. Habka difaaca Qaranka
3. Habka sugida dhaqaalaha Dalka
4. Habka soo jiidashada bulshada la rabo in la xukumo.

Markaan leeyahay qarankaa ka dhaxeeya oo ciidamadaa ka dhaxeeya iyo dowladnimada waxaan ula jeedaa mucaaradka maanta waa madaxda beri.

Maxaa ka dhalan kara, haddii Xisbiga markaas talada haya uu is laheysiiyo qaranka

Dowladihii ugu danbeeyayee dalka soo maray waxaa dhacday in qarankii la is laheysiiyay isla markaana mucaaradkii laga dhigay dad aan dalka wax ku laheyn taasoo keentay xaalada dalku maanta marayo oo qof kasta uu ogyahay inakastoo lagu kala darnaa madaxdii dalka soo martay.

Aragtideyda Dowladii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hogaamineysa dowladihii dalka soo maray marka la eego dhanka is laheysiinta Qaranka,waxay awoodii Dowlladnimo u adeegsadeen danahooda gaarka ah iyagoo afartii sano ku dhamayastay maquunin iyo soo diyaarin sidii uu mar kale kursiga ugu soo laaban lahaa taasina isaga hortiis waxaa ku soo hungoobay dowladii ka horeysay ee Madaxweyne Xasan Sheikh madaama Soomaalidu jecel yihiin mar kasta hogaan cusub.

Sidoo kale Dowladii dhacday ee uu hogaamin jirey Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu Dalka kaga tagayaa dhaxal la mid ah tii uu ka tagay Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariistee oo aan ognahay in Soomaali uu uga tagay burbur iyo qabyaalad.

Farmajo hada waxa uu dalka gaarsiiyay is aaminaad la’aan heerkii ugu sareysay markii uu awoodii dalka u adeegsaday danaha reerka uu ka soo jeedo hadey tahay boobka hantida qaranku lahaa iyo hadey tahay lenynta dad shacaba iyadoo la xasuusto in Baydhabo uu dano isaga u gaara ugu laayay hal maalin dad lagu qiyaasay 30 ruux oo shacab ahaa isagoo u adeegsaday ciidamo shisheeye.

W/q: Cabdifataax Maxamed Salaad (Diyeeshe).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com