Axmed Madoobe oo xukuumadda ku ammaanay go’aanka ay ku saxday dhiibistii Qalbi-dhagax

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay tallaabada Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay Ururka ONLF uga saartay liiska argagixisada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Xukuumadda Federaalka kaga mahadceliyay garwaaqsiga ay garwaaqsatay inay khalad ahayd in muwaadin Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax loo gacan-geliyo dal shisheeye.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday khaladkii taariikhiga ahaa, ee ay hore Dowladda Fomaliya Somaliya ugu aqoonsatay Ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso.

Sidoo kale, waxaan uga mahadcelinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ahaa fal khalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com