Madaxweyne Cagjar oo ka hadlay tallaabada ONLF looga saaray liiska argagixisada

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo dhaweeyay tallaabada Golaha Wasiirada Somaliya, ay Ururka ONLF uga saareen liiska argagixisada.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in go’aankii hore ee ONLF loogu daray liiska argagixisada uu ahaa ficil argagax-geliyay shacabkii dulmanaa ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Qoraalka Madaxweyne Cagjar ayaa u qornaa “Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Somaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo Ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadowna lagu geliyay halgamaa Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax-geliyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dowladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee deegaano kale oo Soomaaliyeed cadow ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed, oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xilligii ay dhacaysayna aan dhaleeceynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas sameysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-gelin buuxda.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com