Golaha Wasiirada Somaliya ayaa isku raacay in liiska argagixisada laga saaro Ururka ONLF, oo muddo dheer dagaal kula jiray Dowladda Federaalka Itoobiya.
War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in goluhu uu ka laabtay go’aan uu sanadkii 2017 golihii hore ee xukuumadda uu ONLF ugu aqoonsaday urur argagixiso, go’aankaas oo daba socday tallaabadii Dowladda Somaliya ay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ugu gacan-gelisay Dowladda Itoobiya.
Warka ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horey u gaaray Golaha Xukuumadda sanadkii 2017, kaas oo Ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo loo gacan-geliyay Itoobiya, tallaabadaas oo goluhu u codeeyay in ay ahayd khalad. ”
Villa Somalia ayaa cambaarayn xoog leh kala kulantay tallaabadii ay Qalbi-dhagax ugu dhiibtay Xukuumadda Addis Ababa, inkastoo xorriyaddiisa uu dib u helay, markii uu xafiiska la wareegay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com