Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya inuu ka horyimid amaba uu ka aamusay go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda ay maanta Ururka ONLF uga saareen liiska argagixisada.
Dadka wax ku qora barraha bulshada qaybtood ayaa qoray in Wasiirku uu ka aamusay cod gacan-taag ahaa, oo Golaha Wasiirada ku laaleen go’aanka xukuumaddii hore ay ONLF ugu dartay liiska argagixisada, sanadkii 2017.
Wasiirka Maaliyadda oo ka falcelinayay warka laga faafiyay ayaa sheegay inuu yahay mid isaga lagaga been abuuranayo.
Wasiir Beyle ayaa sheegay inaanu diidin amaba ka hor imaan go’aankii ay maanta goluhu isugu raaceen in ONLF laga saaro liiska argagixisada, balse uu soo jeediyay in ka doodista arrintaasi lagu soo daro ajandaha, bacdamaa aanu ku jirin waxyaabihii maanta lagu waday in laga doodo.
“Waxaan Internet-ka ku arkay farriin oraneysa Beyle ayaa maanta wuxuu diiday in ONLF laga saaro liiska argagixisada, arrintaasi waa been weeye, arrintaasi waan beeninayaa. Soomaalida waxay tiraahdaa af jooggo looma adeeggo.” Ayuu Beyle ku sheegay muuqaal uu caawa soo dhigay boggiisa xiriirka bulshada.
Beyle ayaa Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku ammaanay inuu qaaday tallaabo loo baahnaa, muhiimna ahayd.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Ra’iisal Wasaaraha oo arrintaas muhiimadeeda siiyay oo maanta keenay Golaha Wasiirada in arrintaa la qabto.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Somaliya.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa sanadkii 2017 aad uga hortimid in ONLF lagu daro liiska argagixisada, maadaama loo arkayay jabhad xaq u dirir ah oo dagaal kula jirtay Itoobiya.
Dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax iyo in ONLF lagu daro liiska madow, waxay ahayd mid ka mida fadeexadihii ugu waaweynaa, ee ay wajahdo Dowladda Madaxweyne Maxamed Farmaajo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com