Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Qalimow

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay deegaanka Qalimow, oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu dhex aasay maqaaxi ay inta badan fariisan jireen Ciidamada Dowladda oo ku taala deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi, halka toban kalena ay ku dhaawacantay. Dadka dhintay ayaa isugu jiray saddex qof oo rayid ah iyo saddex askari, iyadoo rayidka dhintayna ay ka mid ahayd haweeneydii maqaaxidaasi laheyd.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi oo rayid u badan ayaa la gaarsiiyay Magaalada Jowhar, waxaana xusid mudan in qaarkood ay xaaladoodu garaab tahay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, hase yeeshee Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa in muddo ahba beegsanayay maqaaxiyadaha ay ku shaahaan Ciidamada Dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com