Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay maanta laba askari ku dileen degmadaasi.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Xoolaha Baardheere, xilli askartaasi ay ilaalo ahaan ula socdeen Ciidamada Canshuuraha, oo canshuur uruurin ka waday suuqaasi.
Maxamed Salaad Aadan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay in askartaasi ay ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka, kuwooda ka hawlgala degmadaasi.
Maxamed Salaad ayaa sidoo kale inoo sheegay in kooxihii dilka gaystay, ay horey u sii qaateen qoryihii ay wateen labadaasi askari.
Dilka barqanimadii maanta ka dhacay degmadaasi ayaa waxaan jirin cid ay Ciidamada Dowladda u soo qabteen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com