Wasiir Beyle oo la kulmay xubno ka socday dalka Faransiiska

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha dib-u-habaynta maaliyadda dalka iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka la yeeshay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, maadaama Dowladda Farasiiska ay qeyb ka tahay dalalka la isku yiraahdo Paris Club.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dayn-cafinta, oo hadda meel gebagabo ah maraya.

Faransiisku waa taageere muhiim ah oo si wanaagsan Dowladda Federaalka ugala shaqeeyay dib-u-habaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo geedd-socodka barnaamijka dayn-cafinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com