Wasiirka Qorsheynta Somaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Emirate-ka Carabta u joogga dalka, Amb. Mohamed Ahmed Al-Othman.
Bogga Wasaaradda Qorsheynta ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga horumarinta iyo maalgashiga labada dal.
Xiriirka labada dowladood ayaa sanadihii dambe ahaa mid aad u liita, waxaadse mooddaa in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble uu wado dadaalo dib loogu soo noolleynayo xiriirkii diblomaasiyadeed, ee muddooyinkii ugu dambeysay go’naa.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com