Cabdiraxmaan Axmed Suge oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan

Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa noqday Xildhibaankii 2aad ee ka soo jeedo Gobolada Waqooyi, ee maanta lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Kursiga #HOP245 oo lagu waday inay ku tartamayaan Cabdiraxmaan Axmed Suge iyo Aadan Geeddi Cabsiye ayaa waxaa tartanka ka tanaasulay Aadan Geeddi Cabsiye.

Ergada ayaa intaasi ka dib qaab gacan-taag ah codka kalsoonida ugu qaaday Cabdiraxmaan Axmed Suge, isagoona helay 100 cod, sida ay xaqiijiyeen Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.

Kursigan kii ka horeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP247 ayaa waxaa ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Khadra Maxamed Tukaale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com