Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay odayaasha soo xulaya ergada 4 kursi

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa saqdii dhexe ee xalay soo saaray liiska Odayasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee lagu wado inay soo xulaan ergada soo dooraneysa 4 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Tirsiga kuraastan oo kala ah #HOP248, #HOP064, #HOP096 iyo #HOP089 waxay ka mid yihiin tiro kuraas ah oo jadwalkooda la shaaciyay 21-kii bishan.

Guddiyada Doorashada ee Dowlad Goboleedyada ayaa dardargelinaya Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, wixii ka dambeeyay shirkii arrimaha doorashooyinka dalka looga hadlayay, ee 9-kii bishan lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com