Guudlaawe oo kormeeray goobta lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray goobta Magaalada Jowhar looga asteeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xaruntan, sida xafiisyada ay Guddiga Doorashada Hirshabelle ku shaqeeyan iyo hoolka loogu talagalay in doorashadu ka qabsoomto.

“Madaxweynaha ayaa soo indha-indheeyay xafiisyada ay ku shaqeeyan guddiga iyo hoolka ay ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad ee Jahmhuuriyadda Federaalka Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashada, isla-markaana uu kula dardaarmay dardargelinta howlaha doorashooyinka.

Hirshabelle waa maamulka keliya ee aysan weli ka bilaaban Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com