Khadra Maxamed Tukaale oo ku guuleysatay kursiga #HOP247

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay hadda soo baxday natiijada kursigii 1aad ee doorashadiisa la qabtay.

Kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP247 ayaa waxaa ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale, ka dib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay oo lagu magacaabo Filsan Jaamac Cismaan.

Ergada oo qaab gacan-taag ah ugu codeysay Khadra Maxamed Tukaale ayaa heshay 100 cod, halka mid ka mida ergadii wax dooraneysayna uu ka aamusay.

Doorashada ayaa ka socoto Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye (School Polizio), Ciidamada Booliska ayaana adkeeyay amniga goobta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com