Magacyada: 3 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu qabtay doorashada 3 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) ayaa noqday Xildhibaankii 1aad ee maanta lagu doorto Magaalada Baydhabo, ka dib markii uu tartanka doorashada kaga adkaaday musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed-Nuur Cabdullaahi Jaamac. Maxamed Jaamac oo hantay kursiga #HOP056 ayaa helay 79 cod, halka musharaxii la tartamayay uu helay 21 cod.

Kursiga #HOP231 ayaa waxaa ku guuleystay musharax lagu magacaabo Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax), kaas oo musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Mursal kaga adkaaday 72 cod.

Sayid isaaq Maxamed oo nin dhallinyaro ah ayaa noqday Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ka dib markii uu ku guuleystay kursigii 3aad oo tirsigiisu ahaa #HOP002. Sayid Isaaq ayaa helay 82 cod, halka musharax Mowliid Nuur Xasan uu helay 18 cod helay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com