Senator Ayuub Ismaaciil oo markaan ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka

Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo horey uga tirsanaa Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Tartanka doorashada ayaa waxaa isaga haray musharax lagu magacaabo Axmed Yuusuf Bakaal, kaasoo ay ahayd in Ayuub Ismaaciil Yuusuf uu kula tartamo kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP215.

Ergada oo markii dambe qaab gacan-taag ah codka kalsoonida ugu qaaday Ayuub Ismaaciil ayaa waxa uu ku guuleystay 94 cod.

Labadii kursi ee ka horeysay ee maanta doorashadoodu lagu qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay murashaxiin lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Axmed Suge iyo Khadra Maxamed Tukaale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com