3 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland lagu doortayy 3 ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah #HOP0126, #HOPO118 iyo #HOP127.

Kursiga 1aad ee #HOP0126,ayaa ku tartamay Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed iyo Cabdiraxmaan Macalin Xuseen, waxaana ku guuleystay Xasan Xuseen Maxamed, oo helay 74 cod, halka Musharaxii la tartanayay uu helay 21 cod, waxaana xumaaday 5 cod.

Kursiga 2aad oo ahaa HOP127, ayaa waxaa ku tartamay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi iyo Dr Axmed Aadan Axmed, waxaana ku guuleystay Dr. Axmed Aadan Axmed oo helay 84 Cod halka Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi uu helay 16 cod, waxaana halaabay 1 Cod.

Kursiga ugu dambeeyay kuraasta maanta la doortay ee HOP118, ayaa waxaa ku tartami lahaa Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf Maxamed Ismaaciil, hayeeshee waxaa tanaasulay Cumar Maxamed Cumar, waxaana cod Gacan taag ah loogu doortay Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Tani ayaa kuraasta Golaha Shacabka ee lagu doortay Magaalada Kismaayo ka dhigeysa 15 kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com