Dowladda Federaalka oo ciidan geysay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

Dowladda Somaliya ayaa maanta ciidan ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Gorgor geysay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, maalin ka dib markii ciidan hubeysan ay la wareegeen qaybo ka mida xaafadaha magaaladaasi.

Diyaarad siday ciidankan oo ka amba-baxday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ka cago-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan ay horudhac u yihiin ciidamo, ay Dowladda Federaalka qorsheynayso inay geyso magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidankan la dejiyay Xerada Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Lama Galaay.

Labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa Beledweyne ka taagneyd xiisad ka dhalatay, markii uu soo baxay warka sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu ku wajahan yahay magaaladaasi.

Bulshada reer Hiiraan qaybtood ayaa ka soo horjeedda imaanshaha Madaxweynaha ee magaaladaasi, sababo ku aaddan iyaga oo wax ka tirsanaya hannaanka lagu soo doortay Madaxweyne Guudlaawe, 11-kii bishii November ee sanadkii 2020.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com