Kooxo hubeysan oo dilay Taliyihii hore ee Kontoroolka Boosaaso

Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta Bartamaha Magaalada Boosaaso ku dileen Taliyihii hore ee Kontoroolka Boosaaso, Barkhad Guduudane Buryar.

Kooxahan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa qaarka hore ee jirkiisa ka toogtay Taliyihii hore ee Kontoroolka Boosaaso, isagoona u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii la huwiyay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dembiile-yaasha ay ka baxsadeen goobtii ay falka ka gaysteen, ka hor intii aysan gaarin Ciidamada Booliska.

Maamulka Gobolka Bari, kan degmada iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com