Madaxweyne Farmaajo oo teleefanka kula hadlay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta khadka teleefanka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeya ee Somaliya.

Qatar waa dowladda 1aad ee dhanka dhaqaalaha ka taageerta Dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaana la fahamsan yahay in door weyn ku laheyd doorashadii lagu soo doortay 8-dii bishii February ee sanadkii 2017.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com