Rooble oo mar kale xaliyay khilaafka Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo toddobaadkii hore uu ka soo dhex cusboonaaday khilaaf ka dhashay qaabka loo maamulayo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Kulankan ayaa lagu dhameeyay khilaafkooda, iyadoona la isku afgartay in ay si wadajir ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ugala shaqeeyaan dhameystirka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Somaliland.

9 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa Talaadadii shalay lagu doortay Magaalada Muqdisho, taasoo tirada guud ee kuraasta goboladaasi ee la doortay ka dhigeysa 21 kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com