Saciid Maxamed Maxamuud ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ka mid markii uu ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP244, isagoona deegaan ahaan ka soo galay Gobolada Waqooyi.
Doorashada oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa doorashada ka tanaasushay Kaltuun Xayir Jaamac, oo lagu waday inay kursigaasi kula tartanto.
Ergada oo intaasi ka dib qaab gacan-taag ah ugu codeysay musharax Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud ayaa helay 101 cod, mana jirin cid diiday amaba ka aamustay.
Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay in Saciid Maxamed Maxamuud uu ku guuleystay kursiga #HOP244.
Kuraas kale oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Caasimadda Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com