Doorashada ka socoto Garoowe oo 2 Xildhibaan lagu doortay

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa maanta dib uga bilaabatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, iyadoona maanta lagu dooran doono illaa afar kursi.

Kursigii 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP128 ayaa waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdiraxman Axmed (Xayle) iyo Maxamed Faarax Cali, waxaana ku guuleystay Maxamed Cabdiraxmaan Axmed.

Doorashada oo qarsoodi ahayd ayuu Maxamed Cabdiraxman Axmed helay codad dhan 96 cod, iyadoo musharaxii la tartamayay uu helay 3 cod, halka 1 cod uu xumaaday.

Kursigii 2aad oo tirsigiisu ahaa #HOP223 ayaa waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Xirsi Jaamac Gaani.

Doorashada oo qaab qarsoodi u dhacday ayuu Xirsi Jaamac Gaani helay 93 cod, halka musharax Saciid Maxamed Warsame uu helay 3 cod.

Doorashada oo ka socoto hoolka Xerada 54aad ayay Guddiga Doorashada Puntland guda gelayaan doorashada kursigii 3aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com