General Saadaq Joon oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ah (SAWIRRO)

General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Saadaq Joon ayaa waxaa kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP248 kula tartamay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xirsi Diirshe.
Ergada oo labada musharax codka kalsoonida u qaaday ayaa waxa uu Saadaq Joon helay 81 cod, iyadoo musharax Cabdullaahi Xirsi uu helay 17 cod, halka 2 cod ay xumaadeen.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto tiro ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com