Golaha Wasiirada oo isku raacay in ciidamada laga soo saaro Beledweyne

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, oo looga hadlay ajandayaal khuseeya amniga, qodobkii ugu weynaa ee amniga khuseeyayna waxa uu ahaa xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne.

Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay inaanay waxba kala socon cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda, oo Arbacadii shalay ay Dowladda Federaalka geysay magaaladaaasi.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golihiisa Wasiirada warbixin ka siiyay wada hadal uu khadka teleefanka kula yeeshay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, oo uu ugu horeeyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Geba-gabadii shirka, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay isku raaceen dhowr qodob, oo ay tahay in lagu xaliyo xiisadda Beledweyne.

“Qodobka 1aad ee ay isku raaceen Golaha Wasiirada ayaa wuxuu yahay in ciidamadaas la geeyay Magaalada Beledweyne, ee aanay la soconin wasaaradihii masuulka ka ahaa ee u xilsaarnaa in ay korjoogteeyaan, lana socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa waxaa la faray Taliye-yaasha Ciidamada in ay si degdeg ah ciidamadaas uga soo saaraan Magaalada Beledweyne, uguna celiyaan xeryahooda.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa si adag mar kale loo faray Wasiirada Amniga iyo Taliye-yaasha Ciidamada in qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ee geesiyaasha ah laga ilaaliyo waxyaabaha sumcad dilka ah, ee ay ugu horeyso in lagu milo arrimaha siyaasadda, isla-markaana in ciidamada lagu koobo waajibka ay u xilsaaran yihiin, oo ah in ay sugaan amniga guud ee dalka, ilaaliyaana nabadgelyada muwaadiniinta.”

Alcadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaana si gaar ah la isku dultaagay in laga dheereeyo ciidamada, shakiga ama ku lug lahaanshaha la xiriiri kara in fara-gelin ciidamada ku lug leeyihiin loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka, oo amnigooda iyo socod-siintooda uu si gaar ah masuul uga yahay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”

Xiisadda ka soo korortay Beledweyne ayaa timid, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya inuu magaaladaasi ku soo wajahan yahay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), sababtu tahay dadka reer Hiiraan qaybtood oo wax ka tirsanaya hannaankii lagu soo doortay Madaxweyne Guudlaawe, 11-kii bishii November ee sanadkii 2020.

Beledweyne ayaa lagu wadaa in lagu qabto doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of 7 people, people sitting, office and indoor

May be an image of 1 person, sitting and suit

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and suit

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 3 people, beard, people sitting and suit

May be an image of 4 people, people standing, people sitting and indoor

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 3 people, people sitting and people standing

May be an image of 2 people, people sitting and suit

May be an image of 1 person, sitting and suit

May be an image of 1 person, sitting, wrist watch, suit and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com