Ifraax Nooleeye oo ka mid noqotay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Ifraax Maxamed Cawad (Nooleeye) ayaa ku guuleysatay kursigii 2aad ee maanta doorashadiisa lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Ifraax Maxamed Cawad ayaa heshay 99 cod, ka dib markii Caasha Cabdullaahi Warsame ay ka tanaasushay doorashada kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP037.

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in Ifraax Nooleeye ay ku guuleysatay codad dhan 99 cod.

Kursigan kii ka horeeyay ayaa waxaa maanta ku guuleystay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Saciid Maxamed Maxamuud.

Tani ayaa tirada guud kuraasta Golaha Shacabka (Gobolada Waqooyi) ee lagu doortay Magaalada Muqdisho ka dhigeysa 23 kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com