Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay doorashada kursigii 3aad kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, ee maanta lagu doorto caasimadda, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.
Bilowgiiba waxaa tartanka doorashada kursiga #HOP238 isaga tanaasulay musharax lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdikhani Ibraahim.
Ergadii wax dooraneysay ayaa codka kalsnoonida qaab gacan-taag ah ugu codeysay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, isaga oo ku guuleystay 98 cod, sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.
Ismaaciil Cabdiraxmaan ayaa dib ugu soo laabtay Golaha Shacabka, iyadoo uu hadda xubin ka ahaa Baarlamaankii 10aad ee muddo xileedkiisu dhammaaday.
Ciidamada Booliska ayaa saakay doorashadan u xiray Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com