Maxamed Cajiib oo ku guuleystay doorashada kursi ka mida Golaha Shacabka

Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) ayaa noqday Xildhibaankii 2aad ee maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Maxamed Cajiib oo nin ganacsade ah ayaa ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP#064, ka dib markii uu helay 98 cod.

Cabdullahi Iimaan Afrax oo ah musharaxii kursigaasi kula tartamayay Maxamed Cajiib ayaa isna helay 2 cod oo keliya.

Ciidamada amniga Galmudug ayaa adkeeyay ammaanka hoolka Xarunta Inji, oo ay ka socoto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona dhowr kursi la filayo in maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com