Qaali Axmed oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Galmudug laga soo doorto

Qaali Axmed Diiriye ayaa maanta ku soo baxday kursi ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Qaali Axmed Diiriye ayaa ku guuleysatay kursiga #HOP96, ka dib markii Xakiimo Xirsi Cali ay u tanaasushay doorashada.

Ergadii wax dooraneysay ayaa intaasi ka dib qaab gacan-taag ah ugu codeysay Qaali Axmed Diiriye inay noqoto Xildhibaan Golaha Shacabka ah.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay in Qaali Axmed ay heshay 96 cod, iyadoo 4 qof maya ugu codeysay, halka qof uu ka aamusay.

Qaali Axmed ayaa noqonayso gabadhii ugu horeysay ee Golaha Shacabka ka soo gasho Galmudug, tan iyo intii Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka bilaatay Galmudug, bishii November.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com