Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan oo ka horyimid ciidamada la geeyay Beledweyne

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga soo horjeedaan ciidamada ay Dowladda Federaalka Arbacadii geysay Magaalada Beledweyne.

Diyaarad siday cutubyo ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Gorgor ayaa ka degatay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, si ay wax uga qabtaan ciidamo hubeysan oo Talaadadii la wareegay qaybo ka mida magaaladaasi, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya inuu ku soo wajahan yahay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiintan ayaa shir jaraa’id ku sheegay inaanan ciidamadaasi Beledweyne loo geynin amni doorasho iyo mid Shabaab toona, balse loo geeyay in shacabka lagu cabsi-geliyo.

Sidoo kale waxaa ay ku baaqeen in si degdeg ahi ciidamadaasi looga soo saaro Magaalada Beledweyne.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamadaasi ay ilaalin doonaan ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com