Yuusuf Dabageed “Anaga ayaa codsanay ciidamada la keenay Beledweyne”

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa sheegay inay iyagu Dowladda Federaalka ka codsadeen ciidamada ay Arbacadii geysay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isaga oo intaasi ku daray in kuwo kalena la keeni doono, haddii ay u baahdaan, sida uu yiri.

Diyaarad siday cutubyo ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Gorgor ayaa ka degatay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, ka dib markii ay ka amba-baxday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa Beledweyne loo geeyay, si ay wax uga qabtaan ciidamo hubeysan oo Talaadadii la wareegay qaybo ka mida magaaladaasi, ka dib gadaal markii uu soo baxay warka sheegaya inuu ku soo wajahan yahay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), waana xilli lagu wado in Beledweyne lagu qabto doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Yuusuf Dabageed oo Kumaandooska Gorgor kula hadlayay Beledweyne ayaa yiri “Ciidamada Gorgor ee ina soo gaaray qaybtii ugu horeysay waxaan idiinka rabnaa inaad soo celisaan sharafka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan kan Degmada Beledweyne oo caasimad u ah, cadowgeedana aad la dagaashaan, waxna ka qabataan, idinkoo kaashanaya Ciidamada Soomaaliyeed ee walaalaha tihiin ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda ee joogga Gobolka Hiiraan ama gaar ahaan Beledweyne.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dowladda waan uga mahadcelinaynaa gurmadka aan ka codsanay ay noo soo dirtay. Cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan dhibaatada ku hayay, wadooyinkii ay ku shaqeysanayeen reer Hiiraana ka xiray ayaan idiinka codsanaynaa inaad jidadka u furtaan, gaar ahaan Beledweyne.”

Dabageed ayaa intaasi raaciyay “Waad mahadsan tihiin, dowladdii markaan idiinka codsanay noo kiin soo dirtayna, mar labaad iyo mar saddexaad ayaan u mahadcelinaynaa.”

Dadka reer Hiiraan qaarkood ayaa ka biyo diidan imaanshaha Madaxweynaha Hirshabelle ee magaaladaasi, sababo ku aaddan iyaga oo wax ka tirsanaya hannaankii lagu soo doortay 11-kii bishii November ee sanadkii 2020.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com