Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland.
Madaxweynaha ayaa wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022 ku magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qorneyd:-
UJEEDDO: MAGACAABID
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011;
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland:
1. Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin.
2. Siciid Maxamed Cilmi Xubin.
3. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin.
4. Aadan Geedi Qayaad Xubin.
5. Cabdalle Ibraahim Maxamed Xubin.
6. Mukhtaar Cabdi Jaamac Xubin.
7. Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com