Guddiga Doorashada Puntland oo soo saaray jadwalka 6 kursi

Guddiga Doorashada Puntland ayaa maanta soo saaray jadwalka 6 ka mida doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Jadwalka ka soo baxay Guddiga Doorashada Puntland ayaa lagu sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono 2-da bisha soo socota ee February, waxaana 3 ka mida kuraastaasi loo xiray dumar oo keliya.

Kuraastan ayaa waxay kala yihiin #HOP192, #HOP094, # HOP014, #HOP121, #HOP174 iyo #HOP075.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com