Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Odayaasha Beelaha Banaadiriga (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan isugu yeeray Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, kuwaa oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu doorto kuraasta Beelaha Banaadiriga ku metela Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Odayaasha Beelaha Banaadiriga kula dardaarmay inay ilaaliyaan hufnaanka doorashada.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal & Xalinta Khilaafaadka. Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com