Taliyaha Saldhigga Kaaraan oo qarax lala beegsaday

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Kaaraan, Gaashaanle Salaad Caraale ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo gaari uu watay lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo kala qaybisa Degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa, xilli uu halkaasi marayay gaariga Taliyaha Saldhigga Kaaraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay qaybta hore ee gaarigaasi, isla-markaana ay ku dhaawacmeen saddex ka mida Ilaalada Taliyaha.

Saraakiisha laamaha amniga iyo dadka deegaankuba waxay xaqiijiyeen inaanay waxyeelo soo gaarin Gaashaanle Salaad Caraale, Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Kaaraan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, hase yeeshee qaraxyada ceykani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com